Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dagaal Xalay ka Dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 29 2008
Dagaal Xalay ka Dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud
Written by Mohamed Omar Hussein   
Sunday, 29 June 2008

Ethiopian TroopsGalgaduud, (insidesomalia.org) Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal socday muddo 30 daqiiqo ah, kaasi oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gaaray Degmada Guriceel iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkan ayaa wuxuu geystay khsaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada afar ruux iyo dhaawac soo gaaray afar ruux oo kale, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay markii la weeraray ku jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Dagaalka ka dhacay Degmada Guriceel ayaa wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay Dadkii degmada ku dhaqnaa, kuwaasi oo qaarkood ay u carareen dhulka howdka ah ee Degmada u dhow, halka kuwo kalena ay aadeen dhinaca Degmada Dhuusa-mareeb ee isla gobolka Galgaduud. Waxaa xusid mudan in dadkaas barakacay ay ku jiray kuwo horay uga barakacay Magaalada Muqdisho oo sidoo kale ka cararay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho

Marka laga soo tago dadkii dagaalka ku dhintay waxaa kuwii ku dhaawacmay lagu daweynayaa Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel, iyadoo daweyntoodana ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal Isbitaalkaas ka howlgala.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Guriceel waxay sheegayaan in dadka ay isu diyaarinayaan in ay magaalada ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka gudaha u soo galaan, isla markaana ay dhibaato u geystaan.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >